Kenya:Walaac ayaan ka qabnaa in Qalalaasooyin Siyaasadeed ka dhashaan Dalka Itoobiya.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 09 2012 12:17:44
Khamiis( Ogadentoday Press)- Xukumadda Kenya ayaa walaac ka qabta Xaaladda Siyaasadeed ee Dowladda Itoobiya xilli aan la hayn wax war ah oo ku saaban Raysul Wasaaraha Itoobiya oo la waayay Muddo labba bilood ku dhow. Raysul Wasaaraha Kenya Raila Odinga oo waraysi siiyay Wargayska Financial Times ayaa sheegay in Kenya walaac ka qabto Xaaladdaha Siyaasadeed ee ka taagan Itoobiya. Waddamo baddan oo Bariga Afrika Iyo Galbeedka ku yaalla waxau arkaan Zenawi inuu ahaa Siyaasi laf-dhabar u ah Amniga Iyo Horumarka, waxaana walaac ka qabnaa in Qalalaasooyin Siyaasadeed ka dhashaan Dalka Itoobiya.
Extended News
Kenya:Walaac ayaan ka qabnaa in Qalalaasooyin Siyaasadeed ka dhashaan Dalka Itoobiya.
Agoosto 09 -8-2012.
Khamiis( Ogadentoday Press)- Xukumadda Kenya ayaa walaac ka qabta Xaaladda Siyaasadeed ee Dowladda Itoobiya xilli aan la hayn wax war ah oo ku saaban Raysul Wasaaraha Itoobiya oo la waayay Muddo labba bilood ku dhow.
Raysul Wasaaraha Kenya Raila Odinga oo waraysi siiyay Wargayska Financial Times ayaa sheegay in Kenya walaac ka qabto Xaaladdaha Siyaasadeed ee ka taagan Itoobiya.
Xaaladda Itoobiya aad ooga walaacsanahay, anagoo og in Siyaasadda kala jajaban ee Xukumadda ku Taagnayd, isla markaasna aan cadayn qofka xilka ku wareegi doona, Ayuu Yuri Odinga.
Waddamo baddan oo Bariga Afrika Iyo Galbeedka ku yaalla waxau arkaan Zenawi inuu ahaa Siyaasi laf-dhabar u ah Amniga Iyo Horumarka, waxaana walaac ka qabnaa in Qalalaasooyin Siyaasadeed ka dhashaan Dalka Itoobiya.
Xukumadda Itoobiya ayaa sheegtay In Zenawi uu soo caafimaadayo balse wararka sida aadka loo haddal hayo ayaa sheegaya in Zenawi wakhtigiisii dhamaaday isla markaasna Maskaxda Qaliin ah lagu sameeyay.
Wararka aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Ururka TPLF oo uu Zenawi ka tirsanaa ay Guddi samaynayaan kuwaas in muddo ah Dalka xukuma inta laga gudbayo isbaddal kale.
Ogadentoday Press