Jabhadda ONLF oo Dagaallo la Gashay Ciidamadda Itoobiya.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 17 2012 15:26:59
Jimce ( Ogadentoday Press)- Dagaallo iskugu Jira Kuwo Toos ah iyo Kuwo goos goos ah ayaa ka dhacay Gudaha Ogaadeeniya isbuucyadii oogu danbeeyay, Xog ka soo baxday Jabhadda ONLF ayaa sheegaysa In Dagaallo Xoogaan ka dhaceen Gudaha Ogaadeeniya, Dagaalladdan ayay dhex mareen Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Jabhadda ONLF ee u Dagaalama Gooni isu taaga Gobalka Soomaalidda Ogaadeeniya.Warbaxin Jabhadda ONLF soo saartay ayay ku sheegtay In Dagaaladdan ku dileen 17 Askari oo Ciidamadda Itoobiya ah. Jabhadu way ka gaabsatay Dhankoodda wax soo gaaray, Dagaaladdan ayaa ka dhacay Iimey Bari Iyo Degmadda Ceelwayne. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda Itoobiya oo ku saabsan Dagaaladdan. inta baddan Ciidamadda Itoobiya ayaa dafira Dagaaladda ONLF la galaan.
Extended News
Jabhadda ONLF oo Dagaallo la Gashay Ciidamadda Itoobiya.
Ogoosto 17 2012.
Jimce ( Ogadentoday Press)- Dagaallo iskugu Jira Kuwo Toos ah iyo Kuwo goos goos ah ayaa ka dhacay Gudaha Ogaadeeniya isbuucyadii oogu danbeeyay, Xog ka soo baxday Jabhadda ONLF ayaa sheegaysa In Dagaallo Xoogaan ka dhaceen Gudaha Ogaadeeniya, Dagaalladdan ayay dhex mareen Ciidamadda Itoobiya iyo kuwa Jabhadda ONLF ee u Dagaalama Gooni isu taaga Gobalka Soomaalidda Ogaadeeniya.
Warbaxin Jabhadda ONLF soo saartay ayay ku sheegtay In Dagaaladdan ku dileen 17 Askari oo Ciidamadda Itoobiya ah.
Jabhadu way ka gaabsatay Dhankoodda wax soo gaaray, Dagaaladdan ayaa ka dhacay Iimey Bari Iyo Degmadda Ceelwayne.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda Itoobiya oo ku saabsan Dagaaladdan. inta baddan Ciidamadda Itoobiya ayaa dafira Dagaaladda ONLF la galaan.
ONLF oo jirsatay 28 sanno tan iyo Intii la aas-aasay sannadkii 1984 ayaa Dagaalka bilowday Sannadkii 1994 waxayna doonayaan in afti laga qaado Shacaka Soomaalidda Ogaadeeniya.
ONLF waxay si cad u aaminsan tahay in Dhulka Ogaadeeniya la gumaysto.
ONLF waxay kalloo aaminsan tahay in Khilaafka Ogaadeeniya lagu xallin karro wadda haddal Hadii la helo Nidaam Caalami ah oo dhex-dhexaadin.
Ogadentoday Press.