OYSU oo Idin leh: Ciid Wanaagsan.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 18 2012 09:34:26
(Ogadentoday Press)- Walaalayaal waxaanu soo gudanay waajibaadkii Alle uu na dulyeelay bisha barakaysan ee Ramadan.waxaan Allaha wayn kabaryaynaa in dhamaanteen uu naga aqbalo soonkii, salaadii, cibaadooyinkii suubanaa iyo ducooyinkii aanu lanimid bishaas barakaysan ee Ramadan.Ciiddu waa astaan weyn oo ka mid ah astaamaha ummadi leedahay. Ummad waliba waxay leedahay maalmo ay weyneyso, faraxdo, soona bandhigto kaabayaasha jiritaankeeda. Ummadda Islaamka waxaa iyada intaas u dheer in ay maalitaas Rabbigeed u mahad celiso, weyneyso isla markaana muujiso addoonnimadeeda. Walaalayaal waxaanu ogsoonahay xaaladda gurracan ee uu manta shacabkayagu iyo dalkuba ku suganyahay. Anaga oo la qaybsanayna farxadda iyo damaashaadka Ciidul Fidriga walaalaha islaamka ah ayaanaan marna ilaawi karin dhibaatada ba’an ee gumaysigu baday shacabka iyo dalka Ogadenya.
Extended News
Ururka Midawga Dhalinyarda iyo Ardayda S.Ogadenya (OYSU) wuxuu CWXO iyo shacabka Ogadenya leeyahay Ciid Mubaarak meel kaste oo aad joogtaan dunida daafaheeda.
(Ogadentoday Press)- Walaalayaal waxaanu soo gudanay waajibaadkii Alle uu na dulyeelay bisha barakaysan ee Ramadan.waxaan Allaha wayn kabaryaynaa in dhamaanteen uu naga aqbalo soonkii, salaadii, cibaadooyinkii suubanaa iyo ducooyinkii aanu lanimid bishaas barakaysan ee Ramadan.Ciiddu waa astaan weyn oo ka mid ah astaamaha ummadi leedahay. Ummad waliba waxay leedahay maalmo ay weyneyso, faraxdo, soona bandhigto kaabayaasha jiritaankeeda.
Ummadda Islaamka waxaa iyada intaas u dheer in ay maalitaas Rabbigeed u mahad celiso, weyneyso isla markaana muujiso addoonnimadeeda.
Walaalayaal waxaanu ogsoonahay xaaladda gurracan ee uu manta shacabkayagu iyo dalkuba ku suganyahay. Anaga oo la qaybsanayna farxadda iyo damaashaadka Ciidul Fidriga walaalaha islaamka ah ayaanaan marna ilaawi karin dhibaatada ba’an ee gumaysigu baday shacabka iyo dalka Ogadenya.
Hardankaiyo tartanka ka dhaxeeya shacabka gobanimo doonka ahiyo gumaysiga madow ee Itoobiya gabogabo ayuu taaganyahaymaanta,inshallahu kol dhaw wuu soo afjarmi Calanka gobanimaduna hawada sare wuu ka wala-lacleen.Kadib 28 sano oo ay sooma jeestayaasha shacabka S.Ogadenya ee JWXO u babac dhigeen nafiyo maalna u hureen xoraynta shacabka, diinta iyo dalka ayaa waxaa maanta la soo gaaray hanashadda libinta iyo dawladnimadda qaranka Ogadenya.
Hadaba, urur waynaha Midawga Dhalinyarada & Ardayda S.Ogadenya waxa ay u dirayaan fariimoayaga oo ka faa’iidaysanaya munaasabada Ciidul Fidriga dhamaan shacabka walaalaha ah ee S.Ogadenya meelkasta ay joogaanba. Kow- waxaa ina faran dhamaanteen hawlihii gobanima doon ee aanu faraha ku lajirnay in aanu sii laban laabno maadaamo xaaladda cadawgu kujiro lagu tilmaami karo xumbo cuskasho. Labo- dhamaanteen waa in aanu baraarugsanaano isla mar ahaantaa waaqiciga kajira Ogadenya aanu u kuuro galno.
Sadex – bulsho waynta S.Ogadenya waa in aanu ku dadaalno ilaalinta midnimada waddaninimo anaga oo iska fogayneena cudurada bulshada dib dhiga iyo borobagaandaha cadawgu usoo dhiibo labo wajiilayaasha. Afar - ururku wuxuu fariin u gudbinayaa khaas ah dhamaan dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya taasoo ah u guntashada hanashada xoraynta Ogadenya iyo ka faa’idaysiga fursadaha mar la aragga ah ee maanta la gudboon. Sidoo kale waa in dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya ay kasoo baxaan kaalintooda hormuudna ka noqdaan kacdoonka gobanimodoon ee kasoconaya dalka Ogadenya.
Walaalayaal, markale urur waynaha OYSU wuxuu idin leeyahay Ciid Mubaarak iyo kulu caam wa antum bilkhayr.
Guul iyo Gobanimo
Xafiiska Xoghaynta Guud ee OYSU.