Deg-Deg:Muwaadin Soomaalidda Ogaadeeniya oo Lagu dilay Baladwayne.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 18 2012 12:41:48
Sabti ( Ogadentoday Press)- Warar aan ka helnay Gobalka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa sheegaya In Muwaadin Soomaalidda Ogaadeeniya ah oo kullahaa ganacsi halkaas lagu dilay.Muwaadin ayaa Maydkiisa laga helay Wabbiga Shabelle, waxaa la sheegay in rasaas kaga taalay Madaxa, Dadka Deegaanka Baladwayne ku nool ayaa sheegay in Ninkan Ciidamadda Itoobiya dileen balse lama hayo warar la xaqiijin karo.Warbaahinta Ogadentoday Press oo Magaaladda Baladwayne laga la soo xariiray Khadka Isgaarsiinta ayaa loo xaqiijiyay Dilka Muwaadinka oo lagu magacaabo Mahamud Aden Hure.
Extended News
Deg-Deg- Muwaadin Soomaalidda Ogaadeeniya oo Lagu dilay Baladwayne.
Ogoosto 18 2012.
Sabti ( Ogadentoday Press)- Warar aan ka helnay Gobalka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa sheegaya In Muwaadin Soomaalidda Ogaadeeniya ah oo kullahaa ganacsi halkaas lagu dilay.
Muwaadin ayaa Maydkiisa laga helay Wabbiga Shabelle, waxaa la sheegay in rasaas kaga taalay Madaxa, Dadka Deegaanka Baladwayne ku nool ayaa sheegay in Ninkan Ciidamadda Itoobiya dileen balse lama hayo warar la xaqiijin karo.
Warbaahinta Ogadentoday Press oo Magaaladda Baladwayne laga la soo xariiray Khadka Isgaarsiinta ayaa loo xaqiijiyay Dilka Muwaadinka oo lagu magacaabo Mahamud Aden Hure.
Muwaadinkan ayaa la sheegay in Markii horaba ka soo cararay Magaaladda Shilaabo Kadib Markii Ciidamadda dhibaatooyin u gaysteen.
Muwaadinkan oo ahaa nin Wadaad ah ayaa ku lahaa Seddex Xaas Magaaladda Baladwayne, Kadib Shirqool ayaa loo dhigay Seddex Habeen kahor, Markii nin u yimaaday kana codsaday in uu Maher u sameeyo.
Marxuumka ayaa muddo Seddex Habeen ah la waayay Kadib manta laga helay Maydkiisa Wabiga Isagoo la sheegay in Baabuur Ciidamadda Itoobiya ah la tageen Wabbiga.
Ogadentoday Press.