Sudan: 31 ay ku Jiraan Wasiiro oo Qarax Diyaaradeed ku Dhintay.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 19 2012 04:36:28
Axad (Ogadentoday Press)- Diyaarad noo yar yar ah oo ay saarnaayeen Dad gaaraya Illaa 31 qof oo ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukumadda Sudan ayaa la sheegay in qarax Diyaaraddaasi ka dhacay Iyadoo Garoonka ku soo degaynaa.Diyaaraddan ayaa ka soo deggaysay Garoonka Koonfurta Sudan ee Gobalka Kurdufan oo Daggaalo ay ka jiraan.Abdelhafiz Abdelrahim oo u hadlay Dalka Sudan ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u xaqiijiyay in 31 qof oo ay ka mid yihiin Wasiiro Xukumadda ah ku dhinteen Diyaaradaas. Isagoo haddalka sii wata ayuu sheegay in Qarax la maqlay Markii Diyaaraddu soo cagadhigatay.
Extended News
Sudan: 31 ay ku Jiraan Wasiiro oo Qarax Diyaaradeed ku Dhintay.
Ogoosto 19 2012.
Axad (Ogadentoday Press)- Diyaarad noo yar yar ah oo ay saarnaayeen Dad gaaraya Illaa 31 qof oo ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukumadda Sudan ayaa la sheegay in qarax Diyaaraddaasi ka dhacay Iyadoo Garoonka ku soo degaynaa.
Diyaaraddan ayaa ka soo deggaysay Garoonka Koonfurta Sudan ee Gobalka Kurdufan oo Daggaalo ay ka jiraan.
Abdelhafiz Abdelrahim oo u hadlay Dalka Sudan ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u xaqiijiyay in 31 qof oo ay ka mid yihiin Wasiiro Xukumadda ah ku dhinteen Diyaaradaas. Isagoo haddalka sii wata ayuu sheegay in Qarax la maqlay Markii Diyaaraddu soo cagadhigatay.
Diyaaraddan ayaa ku soo deggaysay Garoonka Magaaladda Talodi oo ah meelaha ay ku xoog baddan yihiin Jabhadda Koonfurta Sudan ka dagaalanta ee (SPLM-N).
Ogadentoday Press
Khartoum
Sudan.