Norway: Bandhig-faneedka "Geeska Afrika" ( East African Festival) oo ka dhici doona Magaalada Oslo. Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 19 2012 10:06:39Extended News
Waa Bandhig-faneedkii sanadkii hore OYSU soo Bandhigtay:
Norway: Bandhig-faneedka "Geeska Afrika" ( East African Festival) oo ka dhici doona Magaalada Oslo.
Oslo- Waxaa si xawli ah ku socda diyaar garowga loogu jiro qabashadda bandhig-faneedka Geeska Afrika ( East Africa Festival), oo sanadkan la qaban doono 25-Augst-2012 la qabto mar. Qaban-qaabiyayaasha bandhig-faneedka "East Africa Festival" oo ka dhici doona badhtamaha magaaladda Oslo, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Grønland, ayaa lagu soo bandhigi doonaa ciyaaro dhaqameedyo isugu jira Dhaantadda, labis dhaqameedka Soomaaliyeed iyo heeso toos looga qaadi doono masraxa oo ah mid u furan dhamaan dadweynaha.
East Africa Festival, oo ah kan ugu weyn ee ay qabtaan dadyowga kasoo jeeda geeska Afrika ee ku nool dalka Norway, ayaa waxaa qaban-qaabiya munaasabadan sanad walba Ururka Dhalinyaradda iyo Ardayda Ogadenia ee OYSU.
Waxaana laga codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee degan Magaaladda Oslo iyo nawaaxigeeda inay ka soo qeyb-galaan bandhig faneedkan oo dhici doona 25- Augst-2012.