Dhamaadkii Shariif:Barlamaanka Soomaaliya oo Bari Kulmaya.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 19 2012 12:01:36
Isniin (Ogadentoday Press) Madaxwaynaha DGMK Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wakhtigiisii dhamaaday caawo Kadib Markii Wafuud Baddan oo ka socota Wadamadda Caalamka ee Daneeya Soomaaliya gaareen Magaaladda Muqdisho.Wafuuddan balaadhan ayaa ka kala socday Britian, Maraykanka, Talyaaniga, Turkiga, Norway, Midowga Africa, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobey ayaa wadda tashiyo la sameeyay Madaxda Dowladda. Doorashadda ayaa Madaxwayne Shariif doonayay in dib loo dhigo balse la diiday waxaana Madaxwayne Cusub la dooranayaa Bari oo ku began 20 Bisha Ogoosto ahna Maalin Isniin ah.
Extended News
Dhamaadkii Shariif:Barlamaanka Soomaaliya oo Bari Kulmaya.
19 Ogoosto 2012.

Isniin (Ogadentoday Press) Madaxwaynaha DGMK Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wakhtigiisii ku egyahay caawo Kadib Markii Wafuud Baddan oo ka socota Wadamadda Caalamka ee Daneeya Soomaaliya gaareen Magaaladda Muqdisho.

Wafuuddan balaadhan ayaa ka kala socday Britian, Maraykanka, Talyaaniga, Turkiga, Norway, Midowga Africa, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobey ayaa wadda tashiyo la sameeyay Madaxda Dowladda.

Doorashadda ayaa Madaxwayne Shariif doonayay in dib loo dhigo balse la diiday waxaana Madaxwayne Cusub la filayaa in la doorto maalmahan soo socda, Wakaaladdaha Warar qaar ayaa sheegaya in Bari oo ku began 20 Bisha Ogoosto ahna Maalin Isniin ah laga yaabo in Madaxwayne la doorto.

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartamaya Madaxwaynii Hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysul Wasaarihiisii Cabdiwali Gaas Iyo Gudoomihii Barlamaanka Shariif Xassan, Raysul Wasaarahii Hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaa Musharaxiin ah oo kalle, qurba Joog uu ka mid yahay, Professor Cabdi Samatar, oo Jaamacad ka dhiga Dalka Maraykanka, Taftirihi hore ee Idaacadda BBC La,anta Soomaaliga Yuusuf Garaad Iyo Xubno Kalle.

Dadka falanqeeya Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ay hadda baddankood u codaynayaan Cabdiwali Gaas oo Madaxwaynii Hore Shariif uu rajo aad u yar leeyahay Maadaamo Xubno Baddan Barlamaan oo uu filayay la diiday.

Hase ahaatee lama saadaalin Karro Mustaqbalka Siyasadeed ee Doorashadda.

Soomaaliya ayaa ka baxaysa nidaamka ku meelgaarka.

Sharciyan Caawo Soomaaliya waa bilaa Madaxwayne.

Halkan ka Akhri Baaqi Wafuuda Booqtay Muqdisho- Link

Ogadentoday Press.