Zenawi oo Dhintay Iyo Ku Xigeenkiisi oo Raysul Wasaare Noqday.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on August 21 2012 03:30:42
Talaado- (Ogadentoday Press)- Dowladda Itoobiya ayaa si rismi ah u shaacisay Maanta Geeridda Raysul Wasaarahii Xukumadda Itoobiya Melez Zenawi. Melez Zenawi oo muddo la waayay. maanta ayay Xukumaddiisu shaacisay Inuu ku dhintay Dalka Dibaddiisa. Zenawi ayaa muddo lawaayay Isagoo Mucaaradka Itoobiya sheegeen Inuu dhintay Balse Xukumaddu diidanaynd.Barlamaanka Dalka Itoobiya ayaa si deg-deg ah la filayaa Inuu iskugu Yimaado Kullan isla Markaasna si rismi ah u shaaciyaan Inuu Raysul Wasaare Noqdo, Ku simaha Raysul Wasaaraha oo ahaa Ku Xigeenkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Haile-Mariam.
Extended News





Zenawi oo Dhintay Iyo Ku Xigeenkiisi oo Raysul Wasaare Noqday.

Ogoosto 20 2012.

Talaado- (Ogadentoday Press)- Dowladda Itoobiya ayaa si rismi ah u shaacisay Maanta Geeridda Raysul Wasaarahii Xukumadda Itoobiya Melez Zenawi.

Melez Zenawi oo muddo la waayay ayay. maanta Xukumaddiisu shaacisay Inuu ku dhintay Dalka Dibaddiisa.

Zenawi ayaa muddo lawaayay Isagoo Mucaaradka Itoobiya sheegeen Inuu dhintay Balse Xukumaddu diidanaynd.

Barlamaanka Dalka Itoobiya ayaa si deg-deg ah la filayaa Inuu iskugu Yimaado Kullan isla Markaasna si rismi ah u shaaciyaan Inuu Raysul Wasaare Noqdo, Ku simaha Raysul Wasaaraha oo ahaa Ku Xigeenkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Haile-Mariam.

Geeridda Zenawi ayaa noqon doonta mid Dadwayne Baddan oo Itoobiyaan ku farxaan.

Shacabka Soomaalidda Ogaadeeniya ayaa ku eedeyay Zenawi Xasuuq ba,an oo ka gaystay Ogaadeeniya.

Zenawi wuxuu Xukunka qabsaday Sannadkii 1991.

Meles Zenawi ayaa ku dhashay May 8, 1955 Adwa Waqooyiga Ethiopia waxana uu waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay Queen of Sheba Junior Secondary School waxana uu dugsiga sare dhamaystey 1972 General Wingate School ee magaalada Addis Ababa.

Meles ayaa markaa kadib ku biirey jaamacada Addis Ababa kulliyadeeda Caafimaadka muddo labo sano ah, balse markii danbe joojiyey waxbarashadiisii sanadkii 1974kii isagoo ku biirey jabhadii la oran jirey Tigrai Peoples Liberation Front (TPLF).

Zenawi wuxuu Mowqif adag ka istaagay xal u helidda Qadiyadda Ogaadeeniya, balse maalmihii oogu danbeeyay muddo 5 bilood laga joogo ayuu go,aan saday In wadda- hadal lala furo Jabhadda ONLF isla markaasna Dowladda Kenya Iyo Dowladdo kalle ay wadeen.

Ogadentoday Press.