Sawiro- Dabaal Deggii Sannad-Guuradii ONLF ee Sacuudi Carabiya.
Posted by mohamed on August 21 2012 06:25:44

Extended News
(Ogadentoday Press)- Waa Xuskii Sannad- Guuradii ONLF ee 28aad oo lagu qabtay Dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan Al-Xasa. Hoos Ka akhriso Qoraalka oo buuxa Daawana Jaaliyadda oo noqotay Midda oogu Xoogga Baddan Dalalka Bariga Dhexe.















































































(Ogadentoday Press)-Waxaa habeenkii xalay xus si qiimo badan loo soo qorshayey ka dhacay magaalada Al- Xasa ee ku taala barriga Saudi Arbaia xuskan oo loogu dabaaldagayey sannad guuraddii 28 aad ee ka soo wareegtey aas aaskii Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadeniya. Qabashada xuskan oo ku soo beegantay maalin ciid ah oo dadku fasax ka yihiin shaqooyinkooda ayaan loo kala hadhin.

Waxaa la buux dhaafiyey madashii shirka taas oo keentay in dad badani taagnida ku daawadaan barmaamijyaddii lagu soo bandhigay goobta.Boqolaal isugu jira caruur iyo dad waaweyn oo ay wajiyadoodda xamaasadi ka muuqatao ayaa habeenkii xalay ku soo xaadiray madashii shirka.

Goobta shirka waxaa kale oo goob joog ka ahaa TViga caalamiga ee Soomaaliyeed ee Royal TV kaas oo ka diyaariyey xafladda barmaamij gaar ah.

Ogadentoday Press
Sacuudiga
Cali Yare.