Human Right Watch oo ka digtay Hishiiska Ingiriiska iyo Itoobiya ee Xariga Damaanad Qaadka.
Posted by mohamed on September 17 2009 12:35:40
Ururka xuquuqda Aadamaha ee Afka qalaad loo yaqaan Human Right Watch ayaa ka oo digay Hishiis ay wada galeen bishii December Xukumada Addiss Ababa iyo Dowlada Ingiriiska Hishiiskan ayaa ah in Dowlada Ingiriisku ay ku xirto dadka ay ka shakido Wadanka Itoobiya , dadkan ayaa noqon karaa xubno argagaxiso ah ama ka tirsan ururada Hubaysan ee looga baqo Amniniga Wadanka Ingiriiska.
Extended News
Ururka xuquuqda Aadamaha ee Afka qalaad loo yaqaan Human Right Watch ayaa ka oo digay Hishiis ay wada galeen bishii December Xukumada Addiss Ababa iyo Dowlada Ingiriiska Hishiiskan ayaa ah in Dowlada Ingiriisku ay ku xirto dadka ay ka shakido Wadanka Itoobiya , dadkan ayaa noqon karaa xubno argagaxiso ah ama ka tirsan ururada Hubaysan ee looga baqo Amniniga Wadanka Ingiriiska

Ururka xuquuqda Aadamaha ayaa isagu ka digay in aan lagu aamini karin dalka Itoobiya masuuliyad intaas la eg oo uu yahay Dal ku samayn doona dadkaas lagu xiro jir dil sida loogu qabto korantada aad oogu dheerya.

Ururkan ayaa si toos ah tusaale oogu soo qaatay Gobalka Soomaalida Ogadeeniya oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ka gaystaan falal iskugu jira dil iyo garaac. sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya kufsadaan dumarka taas ay tahay daliil cad oo muujinaya in itoobiya lagu aamini karin dad lagu xiro.

Eedaymahan ayay dhamaan Dowlada Itoobiya diiday kadib markii Berekat Simon oo ah Wasiirka Propagandhada uu la xariiray wakaalada wararka ee AFP.

Ogadentoday.com