TPLF Iyo ONLF: Arragtida Iyo Hadafka.
Posted by mohamed on February 27 2010 08:52:06
Labada Urur ee TPLF Iyo ONLF waa laba urur oo ka soo wada Farcamay Cadaadis Dowlada Itoobiya ku haysay Shacabka ay ka soo Jeedeen oo Taliska Mengest Iyo Haile Salase ku hayaan Xasuuq, Boob Iyo Barakacin ka Baxsan Anshaxa iyo Asluubta Aadanimo, Hadaba Labada Shacab maxay ku kala Duwan Yihiin Maxaase Midna Ilaa hada la Halgamayaa Midna uu Cadaadiskii uu ka Dagaalamay oogu Hayaa Shucuub Kale?.
Extended News
Labada Urur ee TPLF Iyo ONLF waa laba urur oo ka soo wada Farcamay Cadaadis Dowlada Itoobiya ku haysay Shacabka ay ka soo Jeedeen oo Taliska Mengest Iyo Haile Salase ku hayaan Xasuuq, Boob Iyo Barakacin ka Baxsan Anshaxa iyo Asluubta Aadanimo, Hadaba Labada Shacab maxay ku kala Duwan Yihiin Maxaase Midna Ilaa hada la Halgamayaa Midna uu Cadaadiskii uu ka Dagaalamay oogu Hayaa Shucuub Kale?.
Tafatiraha ahna Aas-Aasaha Shabakada Ogadentoday ayaa Milicsi kooban ku samaynayaa Faraqa iyo Sinaanta Labada Urur Iyo Labada Shacab.
Qodobka oogu Milgo culus wuxuu yahay Taageerada Caalamiga ahayd ee labada Urur kala heleen, Ogaadeeniya Halgankeedu wuxuu ahaa Saldhigiisu Soomaaliya Tigree Saldhigiisuna wuxuu ahaa Sudan Waxaana si Buuxda Dhaqaalo u siin Jiray Dowladaha Carabka Iyo Reer Galbeedka ee ka soo Horjeeday Joogitaanta Soviet uu Joogay Itoobiya.
Taageero Lamidka ahayd noocaas lama siin Soomaliya sababta oogu wayn waxay ahayd Soomaliya oo Doorkeeda Siyaasadeed uu ahaa Mid aad u liita Doonaysayna Halganka inuu Noqdo qayb ka mid ah Wasaarada Gaashandhiga ee Soomaaliya.
Dhanka Kale, Soomaliya waxay ku Guul daraysatay inay Kasbato Wadamada Ku Bahoomay Magac Meesha Iska Yaalay ee Midowga Afrika oo uu ku shaqaysanaya Haile Salale Iyo Mengist Haile Mariam.
Dhanka Carabta Tigreega Iyo Eritrea waxay Helaan Wadaado Degan Wadamada Khaliijka, Kuwaas oo Ka soo Jeeda Wadamadooda oo si Hagar La,aan ah oogu Hura Naftooda Iyo Maalka Carabaha ka soo qaadan Halganka ay Ku Jireen, Meesha Wadaada ka soo Jeeda Gobalka Ogaadeeniya( Altixaadku) ay ku Mashquul san Yihiin Guri wayn la dhiso, 4 Naag oo La Guursado, Caloosha oo Lala Ciyaayaaro, Iyo Kanaa Cilmaani ah, Falastiin oo Loo ooyo, Iyo kanaa Sidan ah, Xaqiiqdana aad ayay Lugta u qabteen Halganka.
Xataa waxay Ka Xiriwaayeen Dowlada Itoobiya Dhaqaalaha Xoogan ee ka soo Gala Wadamada Khaliijka ee Lagu Dhiso wadooyinka Buundooyinka Goroomada Ciidamada Meesha ay Dadku ku wacdiyaan ONLF Dhaqaalaha ka Joojiya. Cajib..
Shacabka Soomalida Ogaadeeniya wuxuu Ahaa Mid Isa siiyay Soomaliya Baladwayne, Jalalaqsi, Luuq Jeelow Camalow Markii Danbana Midii ka raacday waa wax Taariikhda Ku Xusun oo anan doonaynin Inaan Dib oogu Laabto.( To go east and west Home Is Best.).
ONLF Iyo Masiirka ay Hogaanka Shacabka Maanta hayso oo ah mid Rajo wanaagsan u muuqda hadba wuxuu ku xiran yahay sida Shacabka Soomalida Ogaadeeniya oola Shaqeeeyo Waxaa Hubaal ah In ONLF ay maanta marayso Heerkii 1979 ay Marayeen Tigreega ee ahaa Isku Duba Ridka Halganka Iyo Shacabka.
Waxaa Mahiim ah in Shacabka Soomalida Ogaadeeniya Taariikhda Tagtay wax qaldamay sida Cad aan oola socono noona Noqdaan Cashir aan ku tusaalo qaadano.
Qormada Labaad La soco. Qormooyinka waa Taxane Midan waa Daah Fur.
Ogadentoday
Editor in chief