Dilkii Doorashada Itoobiya oo Bilaabmay.
Posted by mohamed on March 02 2010 08:03:49
Madaxwaynahii Hore ee Itoobiya Negaso Gidhadha ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay Mindi Xubin ka mid ah Mucaaradka Itoobiya oo Tartan Xoogan Kula Jiray Melez Zenawi, Negaso ayaa ku tilmaamay falkan mid fool xun oo ay ka danbeeyan Xukumada Addiss Ababa.
Extended News
<Madaxwaynahii Hore ee Itoobiya Negaso Gidhadha ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay Mindi Xubin ka mid ah Mucaaradka Itoobiya oo Tartan Xoogan Kula Jiray Melez Zenawi, Negaso ayaa ku tilmaamay falkan mid fool xun oo ay ka danbeeyan Xukumada Addiss Ababa.

Xubinkan la dilay ee Mucaaradka ah oo lagu Magacaabo Aregawi Gebre-Yohannes ayaa lagu dilay Gobalka Tigreega ahaana Mucaaradka Gobalka Tigreega ee ka soo Jeeda Qoomiyada Tigreega ee Isbahaysiga la lahaa Ururka Isu Taga ee lagu Magacaabo Medrek.

Negaso oo Khadka Isgaarsiinta Kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Ninkan Gurigiisa ay oogu galeen Lix nin oo Waji Duuban kadib ay Mindi Ku Dileen.

Afhayeen u Hadlay Xukuamada Addiss Ababa oo Lagu magacaabo Shamelles ayaa sheegay in Dilkan yahay Mid Shaqsiyan ah Balse ay ku gacan sayreen Mucaaradka, Isagoo Hadalka sii raaciyay in la Xiray Xubnaha dilkan gaystay.

Dhanka Mucaaradka ayaa sheegay in Xubinkan la dilay ay Dowladu ku daba Jirtay Isagoo laba Mar oo hore la xiray loona gaystay Jirdil.

Falalka Dilka Doorshada Itoobiya ayaa saxaafada horey u saadaalisay Iyadoo Qalalaaso Xoogaan laga Baqayo, Dhanka Doorshada ayaa waxaa ku Jira Madow badan taas oo Ururada Caalamiga ah ee loogu baaqay inay doorashada goob-joog ka ahaadaan ay diideen.

Ogadentoday
Addiss Ababa.